Axmed Madoobe : Kenya Kama baxeyso Soomaaliya, ee Xeelad Malitiri ayey u baneysay fariisimo Dhowr ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka hadlay fariisimaha ay ka baxayaan Ciidanka Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

“Arrinta Ciidamada baxaya, waxaan arkayaa in walaahoo badaniyo KDF xagee u baxday? Buulo Gaduud baa laga baxay iyo xagaa laga baxay. Diyaargarow baa jira hawlgal loo diyaargaroobayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo Jimcihii Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo.

“Taa macnaheedu waxaa weeyaan in lees fudeediyo, dhufeysyadii badnaa ee sanadahan lagu jiray in laga baxo, hubka wixii culusi ee aan loo baahnayn in furimo la gaynaayo dib loo soo celiyo. Ciidan hawlgal buundooyinka lagu xoreynaayo qaadaya barnaamijkaasaa la billaabayaa waqtiga ugu dhaqsaha badan. Taasaa keentay marka in Ciidamada iyo culeyska iyo waxa meelaha yaala faraha badnaa la geeyay in la soo baneeyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

“Badhaadhana waa laga soo hawlgeliyoo, iyada, Kudhaa iyo Buulo Xaaji waala isku xiri. Tanna buundooyinkaa la qabanayaa. Inay hadal noqoto iyo in kalana waqti dhowaa is weydiin doonnaa, aad baad u mahadsan tihiin.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaan soo hadalqaadin diyaaradaha dagaalka Kenya oo dad rayid ah ku bartilmaameydsanaaya Degmada Ceelcadde iyo tuulooyinka kale ee hoos-tagga ee Gobolka Gedo.

Tan iyo markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay 15-kii bishan weerareen xeradii Ciidanka Kenya ku lahaayeen Degmadaasi Ceelcadde, ayay diyaaradaha Kenya billaabeen inay garaacaan goobaha uu rayidku ku badan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.