Amisom oo sheegtay in ay sii wadi doonto baabinta al shabaab.

amisom

Taliyaha ciidamada amisom general nakibus lakara ayaa mar kale ku celiyey in howl galka amisom ay ka go,antahay la dagaalanka iyo baabinta xarakada al shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Taliyaha oo dhawaan kormeeray saldhigyo amisom ay ku leeyihiin koofurta Somalia uuna ka mid yahay saldhigi ceel cade ee dhawaan ay weerareen al shabaab ayaa sheegay in mar walba ay ku taagan yihiin hadafka howl galka amisom ee Somalia oo ah cirib tirka al shabaab.

General lakara ayaa xusay in booqashdii uu ku tagay deegaanka ceel cade ee gobalka gedo ay qayb ka tahay u kuur gelida iyo samata bixinta ciidamada Kenya oo ka mid ah howl galka amisom oo 15 bishan farisintkoodi ay weerar xoogan oo qasaare dhaliyey ku qaadeen dagaal ka tirsan al shabaab.

Taliyaha ayaa ciidamada amisom kula dardaarmay in ay mar walbo wadaan sidii u ay wiiqi lahaayeen awooda al shabaab oo weeraro u geysta qaar ka mid fariisamada ay ciidamada amisom  ay ku leeyihiin  qaybo ka mid ah Somalia.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in shirka adis ababa ay ku yeelanayaan hogaamiyasha ururka midowga afrika looga hadlayo istaraatiijiyada howl galka midowga afrika Somalia ee amisom.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.