Qaramada midoobay oo sheegtay in ay sii korortay weerarada loo gaysto shaqaalaha gargaarka ee ka howl gala Somalia.

Weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka ee ka howl gala Somalia ayaa labo lab noqotay sanadkii tagay iyadoo gaartay 17 dhimasho ah oo loo gastay dad ka shaqeynayay dhinaca samafalka ee Somalia sida ay sheegtay qaramada midoobay.

Qaramada midoobay ayaa xustay in Somalia oo ah dal ay dagaalo sokeeye iyo colaado la dageen ay ka mid tahay meelaha ugu xun dunida oo ay adag tahay in ay shaqeeyaan ururada dhinaca gargaarka bani,aadinimo.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in ilaa iyo 140 weeraro lagu fuliyey shaqaalaha gargaarka ee ka howl gala Somalia sanadkii hore halka sanadkii 2014 somalia ay ka dhaceen 75 oo weerar oo ka dhan ahaa shaqaalahaasi taasoo ka dhigan in sanadki 2015 uu ahaa mid labo lab ah.

Xafiiska isku xirka howl gargaarka bani,aadinimo qaramada midoobay ee Somalia ee UNOCHA  ayaa sheegay in Somalia sanadkii tagay lagu qafaashay 11 ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha gargaarka halka,38 lagu xirxiray,18 kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale waxaa xafiiska UNOCHA ee Somalia uu sheegay uu sheegay in colaadaha ka jira dalka ay keenaan in 40 boqolkiiba uu gaaro gargaarka halka ilaa 12 milyan oo Somalia ah ay gargaar u baahan yihiin.

Dhinaca kale waxaa xafiiska isku xirka howlaha gargaarka ban,aadinimo qaramada midoobay ee Somalia ayaa walaac ka muujiyey in ay helaan kala bar lacagaha ay ka codsadaan caalamka ee loogu deeqo somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.