Jawaari Oo Si Deg-Deg Ah Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Xili Gu xigeenkiisa Laga Soo Buriyay Shirkii Dorashada.

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay xili kulamo kala duwan uu kaga soo qeeb galay dalka Iraaq iyo Turkiga

Jawaari ayaa Iraaq kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada dalalka iskaashiga Islaamka intuu halkaasina ku sugnaa uu kulamo laqaatay masuuliyiin ka qeybgashay shirkaasi

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu tagay dalka Turkiga halkasi uu kula kulmay dhigiisa cusub dalkasi

Gudoomiyaha cusub ee dalka Turkiga Ismail Kahraman ayaa waxaa la Magacaabay sanadka dhamaaday ee 2015  waxa ayna labada masuul kawada hadleen xiriirka labada Baarlaman iyo sidii loo sii xoojin lahaa

Imaanshaha dag-daga ah ee Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xili ku xIgeynkiisa Mahad Cabdalla Cawad uu furitaanka shirka looga hadlayay dowrashada uu qilaafay go’aankii ay qabeyn madaxda dowlada Soomaalida taa oo kentay in laga soo saaro maalintii xigtay shirka ka socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.