Daawo: kuwa ka mudaharaadaayo Jabka Kenya loogu geystey Ceelcade ma arkaan miyaa xasuuqa ay kenyanka ku hayaan Shacabka ree Gedo. (warbixin)

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo jabka Iyo xasuuqa Kenya loogu geystey Deegaanka ceelcade ee Gobolka Gedo.

Masuulyiiin ka tirsan Maamulka Kismaayo Ayaa kasoo qeybgalay banaanbax loogu magac daray cambaareynta dhibaatadii Kenya loogu geystey Deegaanka ceelcade.

Majirto wax inaba ha yaraatee soo hadal qaaday dhibaatsda ay Kenya ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee degan Gobolka Gedo gaar ahaan deegaanada iyadu ay Shabaabka ku laayeen, kuwaas oo ay hear Iyo habeyn la dul taagantahay duqeyn aan loo meeldayeyn oo lagu dhibaataynaayo Bulshada masaakiinta ah ee Deegaankaasi ku nool.

Boorar ay ku qorteen hadii Kenya Aysan ahaan laheyn Jubaland ma taagnaateen ayey ku dibaxbaxayeen shakhsiyaad calooshood u shaqeystayaal ah Iyo Shacab Iyo iyaga taageero u ah kuwaas oo qoraaladaasi beerlaxowsi kaga raadinaayo Kenya.

Waxaase In badan oo Bulshada ah ay isweydiinayaan maxaa Kenya keenay in loo tacsiyeeyo Shacabka ay duqeynta har Iyo habeyn kuwadane aan xitaa lasoo hadal qaadin.

Dabcan jawaab uma hayaan kuwii dibadbaxaasi sameeyey waxaase ay ku tahay ceeb Iyo waji gabax in ay u damqan waayeen walalahood Soomaaliyeed oo hadane ay diin wadaagyihiin badalka ay u soo banaan baxeen shisheeye dalkoodaba duulaan ku ah.

image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.