Booliska Kenya oo Wariye ku xiray Magaalada Nairobi

Wariyahan oo lagu magacaabo Yaasiin Juuma ayaa Booliska Dowladda Kenya waxey dhigeen Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Ku dhawaad 10 Askari oo ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ayaa Wariye Yassin Juma waxey ka soo xireen Hooy uu ka degan yahay Magaalada Nairobi inkastoo aan xarigiisa wali la shaacin waxa uu salka ku hayo.
Xariga Wariye Yassin ayaa loo maleenayaa in uu salka ku haya ka hadalka ama tabinta Weerarkii Xooganaa ee Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Degaanka Ceelcadda oo Saldhig Miliatri ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Kenya.
Wararka waxaa ay sheegayaan in Wariyuhu uu ilo wareedyo wanaagsan uu ku leeyahay Geeska Afrika maadaama halkaasi la sheegayo in uu booqday islamarkaana muddo uu jooday.
Kenyan ayaa dhaawaan waxey Muwaadiniinteeda uga digtay in baraha Bulshada la soo geliyo Sawiro ka turjumaya Weerarkii ay mas’uuliyadiisu sheegteen Al Shabaab ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Kenya ee AMISOM ee Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.