Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo ka qeyb galay qorshaha qaranka ee kala duwanaanshiyaha noolaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ka qeybgalay kulan lagu daahfurayay qorshaha Qaranka ee kala duwanaasha noolaha, kaasi oo ah heshiis ay horay u saxiixday Dowladii KMG ahayd

Kulankan loogu soo bandhigayey qorsha howleedka Qaranka ee lagu horumarinayo kala duwanaanshaha noolaha, kaasi oo ka qayb qaadanaysa ilaalinta bii’ada dalka ayaa maanta lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qayb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ku-xigeenka Egeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, madaxda hay’adda FOA iyo agaasimayaasha qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda Soomaaliya.

Diyaarinta qorshahaan lagu ilaalinayo kala duwanaanshiyaha noolaha Qaranka ayaa waxaa soo diyaariyey Wasiirru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee dhinaca bii’ada, isagoo kaashanaya hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada ee FOA.

Burci Maxamed Xamza Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee dhinaca bii’ada oo kulanka ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in qorshahaan ay diyaarinteeda qayb ka qateen maamul goboleeyada iyo dhamaan Wasaaradaha dowladda Federaalka ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ee Xukumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kulanka ugu dambayn ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayn doonto hirgelinta qorshaha kala duwanaanshaha noolaha, si loo ilaaliyo bii’ada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.