Dagaal Culus Oo Soomaaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray Buuhoodle

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Abshir Cabdicasiis ayaa sheegy in dagaal culus uu dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa maamulka Soomaaliland deegaanno hoostaga degmada Buuhoodle.

Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayuu Wasii ku xigeenku sheegay in khasaaro ba’an ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Soomaaliland.

Dhankooda ayuu sheegay in Askari kaliya uu ka dhaawacmay sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoona dagaalada ay yihiin kuwa ku soo noq noqday Gobolka Sool oo ka mid ah meelaha uu ku magacaaban yahay maamulka Khaatumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.