Dhageyso: Diyaaradaha Kenya oo Duqeymo hor leh ka geytay Gedo

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay kadib duqeymo horleh oo diyaaradaha Kenya ay ka fuliyeen deegaanka Ceelgaduud ee Gobolka Gedo.

Deegaanka Ceelgaduud ayaa hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo iyadoona duqeymahani ay qeyb ka yihiin weerarada Ciidamada Kenya ay ka billaabeen Gedo tan iyo weerarkii Ceelcade.

Inta badan duqeymaha diyaaradaha Kenya ayaa waxyeeleeya shacabka walow y sheegaan saraakiisha Kenya in ay bartilmaamsanayaan Ururka Al Shabaab.

Weli diyaarado dagaal oo dul heehaabaya deegaanno hoostaga Gobolka Gedo ayaa la arkayaa sida laga soo xigtay ilo deegaanka ah.

Halkaaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.