Cabdifitaax Xalane : ” waan soo afjarnay weerarkii Hotel Beach Veiw lagu qaaday anaga ayaana hadda gacanta ku hayna”.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir cabdifitaax Xalane oo Goordhaweyd warbaahinta lahadlayay Ayaa sheegay in gabi ahaanba ay soo afjareen hawlgalkii ay kawadeen Gudaha hotelkii ku yaalay xeebta liido ee ay caawa alshabaab qabsadeen.

Xalane Ayaa sheegay in gabi ahaanba ay soo afjareen hawlgalkii ayna noqdeen Dableydii weerartay Hotelka kuwo is dhiiba oo ay gacanta ku hayaan Iyo kuwo ay laayeen sida uu hadalka u dhigay.

” walal waan soo afjarnay hawlgalkii aan ka wadnay hotelkii ay soo weerareen kooxihii argagixisada ahaa Qaarkood ayaan gacanta ku haynaa kuwa kalane Dagaalkii ayey ku dhinteen, Waana soo bandhigi doonaa” ayuu Yiri afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir cabdifitaax Cumar Xalane oo warbaahinta lahadlayay.

Macadda Ilaa Iyo hada sida uu yahay xaalka xeebta liido Iyo walibo hotelkii weerarka lagu qaaday, goobjoogayaalne waxay sheegayaan in wali aaga Hotelka ay ka dhaceyso rasas nool nool oo aan la ogeyn Cida ay u dhaxeyso.

Wixii Kusoo Kordha lasoco insha Allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.