USA: Maraykanka oo weli baadi-goobaya Askar saarneyd labo diyaaradood oo kusoo dhacay Hawaii

Diyaaradahan uu lahaa militariga Maraykanka ayaa la rumeysan inay isku dhaceen, shilkaasi oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay ayaan la ogeyn waxa sababay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday baadi-goobka rakaabkii diyaaradahaasi saarnaa.

Gurmadka loo diray inay soo helaan askarta la la’a yahay ayaa sheegay inay heleen qeybo kamid ah burburka labada diyaaradood balse waxaa weli la la’a yahay meel ay ku danbeeyeen askartii diyaaradahaasi saarnaa.

Salaasadii shalay ayuu Taliska ciidamada Maraykanka sheegay inuu hakiyey baadi-goobkii loogu jiray askarta kadib markii duufaano iyo dabeylo xoogleh ka dhasheen nawaaxiga jasiirada Hawaii oo ku taal badda Pacific.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.