Casharada laga bartay weerarkii Ceel-Cadde”Warbixin”

Wargeyska The Washington Post ee dalka Maraykanka kasoo baxa ayaa warbixin uu ka qoray weerarkii ay Al-Shabab ku qaadeen xerada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo iyo khasaaraha uu dhaliyay.

Al-Shabab dagaalamayaal ka tirsan ayaa Jimcihii weerar ku qaaday xilli aroor hore saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya ee hadda qeybta ka ah howlgalka Midawga Africa Soomaaliya ee AMISOM halkaasoo Al-Shabab ay guul weyn ka sheegteen.

Madaxda dawlada Kenya iyo kuwa AMISOM waxaa muuqanaysa inay aad uga gaabsanayaan inayt si cad u sheegaan inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Marka loo eego howlgalka AMISOM oo noqonaya howlgalkii ugu waqtiga dheeraa ee ciidamo nabad illaalin ah ka wadaan Soomaaliya waxaa la kulmayaa cadaadis xoog leh oo dhinacyo kala duwan kaga imaanayo meelo kala duwan sida Al-Shabab oo kale.

Waqtiga joogitaankooda oo hadba la kordhiyo waxaa ujeedka ugu weyn ee u joogaan tahay inay caawiyaan dawlada Soomaaliya ee beesha caalamku taageerto.

Xerada Ceel-Cadde oo ka mid ah xeryaha ugu waaa weyn ciidamada AMISOM waxaa la aas aasay bishii June sanadkii naga dhamaaday ee 2015,kii waxaana ay Al-Shabab horey u weerareen xeryo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya sida Leego iyo Janaale halkaasoo ay ku dileen askar aan tiro yareyn oo u dhashay dalalka Burundi iyo Uganda.

Xeryahaas waxaa ay Al-Shabab ka qaateen hub fara badanaa oo xataa ay weeraro kale u adeegsadeen.

Tiro ahaan waa uu ka khasaaro badanyahay weerarka Ceel-Cadde weeraradii Leego iyo Janaalle taasna waxay ka dhigantahay in weerarkaan uu yahay kii ugu dhiig daadashada badnaa ee Al-Shabab ku qaadaan ciidamo AMISOM ka tirsan.

Weerarkaan ayaa taliska AMISOM iyo beesha caalamkaba baraya casharo muhiim ah oo loo baahan yahay in lagu tusaale qaato.

Al-Shabab waxaa muuqanaysa in weerarkaan uu abuurayo in wal wal hor leh laga qaado tan iyo markii laga faro maroojiyay goboladii ay ka maamulayeen bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Hadda waxaa xaqiiq ah in dad badan oo Kenyan ah ay ku qanacsanayn in ciidamadooda ay Soomaaliya sii joogaan maadaama ay joogto noqotay weerarada Al-Shabab dalkaas ku qaadaan.

Dad badan oo iyana u dhashay dalalka Uganda iyo Burundi ayaa iyana haddii la weydiin lahaa sida ay u arkaan ciidamadooda Soomaaliya jooga laga yaabi lahaa inay inay ku faraxsaneyn.

Waxaa muuqanaysa in ciidamada AMISOM ay u nugulyihiin weerarada Al-Shabab kaga imaanaya xataa haddii ay kaga guulaysteen dagaalkii waji ka wajiga ahaa ee ay la galeen.

Sagaalkii sanno ee lasoo dhaafay ciidamada AMISOM waxay toos ugu lug lahaayeen dagaal toos ahaa oo ay Al-Shabab kula jireen waxaana jiray howlgalo ay u bixiyeen magacyo kala duwan dhawr magaalana waa ay ka qabsadeen hase ahaatee intaas oo dhan waxaa dhinac socday dhibaatooyin ay la kulmeen.

Ciidamada AMISOM waxay u baahan yihiin ciidamo gaar ah oo u baahan inay dagaalami karaan diyaarado la’aan.

Wargayska warbixintaan qoray waxaa uu leeyahay ciidamada Kenya ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo waxaa uu ku sheegay inaysan wax xiriir ah la laheyn saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo maamulka gobolka iyo xataa dadka degaanka waana taas tan keentay in dhib intaas le’eg uu gaaro ama xataa Al-Shabab u fududaato inay Kenya marka ay doonaan weeraraan.

Mida ugu dambeysa wargeysku waxaa uu leeyahay sababta keentay in Al-Shabab ay amaanka Kenya qal qal galiyaan waa wararka buun buuninta ah ee barobagaandada loo yaqaan oo ay Al-Shabab kaga horeeyaan dawlada Kenya, ciidamada AMISOM iyo xataa dawlada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.