Sawiro:Gudoomiye Cumar Filish oo xarigga ka jaray MCH-ka degmada Xamarweyne

cumar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta xarigga ka jaray MCH-ka degmada Xamarweyne oo dib u dhis lagu sameeyay.

Dib u dhiska MCH-kaan ayaa waxaa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin bulshada degmada Xamarweyne.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, agaasimaha xiriirka degmooyinka gobolka,maamulka degmada Xamarweyne iyo qeybaha bulshada.

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.