Akhriso: Soomaaliya oo Buuxisay Sharuudihii dayn Cafinta

Bayle

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka (IMF) ayay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deen cafinta Soomaaliya oo ka dhigan ka gudbida wajiga afaraad ee Barnaamijka.

IMF Waxaa ay madaxda Soomaaliya ku amaantay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta caawa ay soo saartay IMF yiri “Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya”

“Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yirri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Bulshada.

Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta Maaliyadda.

Fadlan halka hoose ka akhriya “Warbixinta IMF ee muujineysa in uu guul ku soo dhamaaday SMP4”.

https://www.imf.org/en/News/Articles/2020/01/27/pr2018-somalia-imf-staff-completes-second-review-under-the-staff-monitored-program-for-somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.