Garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo dib u habayn Casri ah lagu sameynayo

Caabudwaaq

Guddiga dhismaha iyo dayactirka Garoonka Diyaaradaha Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney maanta joogsadeen Diyaaradahii Ganacsi ee kala duwanaa oo duulimaadka ku imaan jiray Degmadaas.

Garoonka Caabudwaaq oo dayactir guud lagu samaynayo ayaa loo joojiyay dhammaan duulimaadyadii imaan jiray muddo ku siman laba bil, waxaana duulimaadyada imaan jiray oo isugu jira kuwa sida Khaad/Jaad iyo rakaab oo si joogta ah u imaan jiray degmada maalin walba.

Qaar kamid ah Bulshada Degmada oo si wayn u soo dhoweeyay horumarinta lagu sameynayo Garoonka Diyaaradaha ayaa haddana waxay cabasho ka muujiyeen cabasho mudada dheer ee la joojiyay duulimaadyada.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ayaa horay shacabka degmada Caabudwaaq oo gacan ka helaya taageerayaal dhanka Qurbaha ah waxaa ay dhismihiisa ku bilaabeen Iskaashi bulsho iyo is xilqaan 24. Apr, 2012. Waxaana uu noqday garoomada ugu weyn Gobolada dhexe ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.