Deni oo ku fashilmay sidii uu isugu Keeni lahaa Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa

deni

Waxaa Magaaladda Kismaayo kasocda shir ay so abaabuleen Deni iyo Faroole Shirkaas waxaa gudoominayey Suldaan Cabdulaahi Cali sonkor ujeedada Shirkaas ayaa wuxuu Ku salaysnaa sidii Hogaamiyaasha Isbedeldoonka ee Kusugan Kismaayo looga dhaadhicin lahaa sidii ay Axmed madoobe ula heshiin lahayeen.

Suldaan Cabdulaahi Cali Sonkor ayaa wuxuu qiray in ay geed gaaban iyo geed dheer u fuuli lahaayeen sidii Beesha Darood ee Jubbaland ula heshiin lahayd Madaxweyne Farmaajo.

Senator Faroole iyo Deni ayaa ayaguna waxaa balan Ku qaadeen in ay raadin donaan Beesha Harti ee Kamid ah Isbedel doonka isla markaana ay ka dhaadhicin doonan in ka haraan Isbedeldoonka waxayna yiraahdeen hadana ragg odoyaal ah ayaa ku howlan. Lama oga jawaabta rasmiga ee Madaxda Isbedeldoonka Kaqaadan Lahaayeen Shirka Darood ay wadaan Deni iyo Faroole .

Isbuucii hore ayey ahayd mar ay isku dayeen in ay wadahadal lasameeyAn madaxda Isbedel doonka Jubbaland. Balse sida uu inoo Xaqiijiyey.

Musharaxa Madaxweyne ahna Hogaamiyaha Siyaasadda Beesha Harti ee Jubbaland Mudane Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Jabriil ayaa yiri. Waxaan Goaansanay in aan qaadacno kulanka ay naga dalbadeen Ragii Yimi Kismaayo madaama ay Kismaayo u yimaadeen in Xalaaleyaan Doorasha LA isku haysto oo a an sharci ahayn.

Deni iyo Faroole ayaa wada qeybiyo xukun oo ujeedadoodu tahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal waasaare Qeyre ay isku diraan ama kala shaki geliyaan Waxaa soo baxaya cadaymo in Safiirka U fadhiya Mareykanka Muqdisho uu warqad qoraal garsiiyey axmed madoobe isagoo ka dalbaday in uu jawaab ka soo bixiyo habracii ay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ay soo sareen labo isbuuc ka hor waxaana lagula taliyey in uu u hogaasamo qabashada doorasho xor iyo xalaal.

Madaxwaynaha Puntland ayaa iskaga dhooftay Kismaayo kadib markii uu ku guulaysan waayey sidii laysugu keeni lahaa Isbadal doonka Jubbaland iyo Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.