Xisbi ku sheegyada Dalka looga dhawaaqay hadafkooda Muxuu Yahay??

Xisbi waa urur dad isku fekar iyo aragti ah ay samaystaan,kuna bahoobay mabaadii ay wada fulinayaan kuna qeexan barnaamij uu saldhigiisu yahay yoolkiisa siyaasadeed iyo xeer qeexaaya ka midnoqoshada,waajibaadka iyo anshaxa xubnaha,marka laysu geeyo waa in haybad,karaamo iyo Sharaf uu bulshada ka gado kuna kasban karo laga arkaa xubnihiisa iyo dadka hoggaaminaaya,sidaas awgeed maxaan ka dheehan karnaa ama ka baran karnaa,anniga oo aan kala saareyn xisbiyada tobanka ku dhow ee mucaraadka  ah inta badana dhaliishooda,wax qabadkooda,tilaamaha ay bulshada siiyaan iyo bayaanada ay wada jirka u soo saaran isku midka yihiin,intase anan u gelin sawirka aan ka haysto aan idin su,aalee maxaa u diiday in ay midoobaan haddii ay isku aragti iyo mabda, yihiin?Tan kale waxay la taagan yihiin dhaliil joogto ah oo aan meeshaba ku jirin oo toog iyo farasaar ah ama waalo gacandhawr.Hadii aan sii micneeyo toog iyo farasaar shaxda baa lagu ciyaaraa oo marka nin laga adkaanaayo waxaa la gaarsiiyaa midkii uu dhaqaajiyaba in kanle ka soo horjeedaa qaado,wax kale uma eka in uu yiraahdo waa layga adkaaday mooyaane,sidoo kale waalo waa cayaar gacmaha lagu ciyaaro oo nina bidix leeyahay midna midig,marka ninba kan kale wuxuu gacan dhawra si gacanta uu rabo cayaartu ugu dhacdo,bal ila eega meelaha dawladu guulaha ka gaartay haddana ay wax ka sheegaan:-

-Miyeysan aduunyada Soomaaliya la macaamishaa ama beesha caalamku dhammaan qirin in dhaqaaluhu kobcay?

-miyeysan haya,daha caalamiga caddayn in musuqmaasuqii wax laga qabtay?

-Miyaan shaqaalaha iyo ciidamada mushaar joogto ah la siin?

-Miyaan isku dhafka ciidamada wax laga qaban welina aan lagu guda jirin?

-Miyaan dhalinyara badan oo xabsiyada dibada ku silicsanaa dalka dib loogu soo celin.

-Miyaan talada dalka Soomaali baa iska leh ayan dhihin oo kuwii faragelinta Soomaalida u ku hayn jiray dalka laga saarin?

-Miyaan maamulada gobolada laga joojin siyaasadii dibada ee ay dacfuruurka ku noqdeen?

-miyeysan sax ahayn in dawlad dhexe iyo maamulo isku aragti ah oo wada shaqeeya  dalka laga dhiso si horumar looga sameeyo,dhinacyada,dhaqaalaha,siyaasada iyo amniga dalka.?

-miyeysan dhaqaalaha dawlada dhexe ku baxa iyo maamulada gobolada xisaabcelin ku soo rogin oo ah arinta dhalisay in ay iska horyimaadaan maamulada qaar iyo dawlada dhexe?

-Miyeysan ahayn waxa laysku hayaa wax faragelin ah dawlada dhexe kuma yeelan karto gudo iyo dibadba maamulada dalka?

-Maxay haddana u dhacdaa markii aafo dacdo sida dabaylo,daadad,abaaro iyo colaad in mas,uuliinta  goboladu u qaylodhaanshaan dawlada dhexe,ayyaga oo weliba magac dhabaaya Farmaajo iyo Khayre?

Isku soo wada duub wixii ka dhacay Jubalaand qaybtii ay ka qaateen iyo meehsa ay ku fureen xisbiyo ku sheegu waan la soconay,waxayna manta ku sugan tahay go,doon adduunka oo dhan qaadhacay oo la aqoonsan waayo dawlada dhexena xiriir ka dhexayn,maxay noqon?

Aan ku soo gabagabeeyo (HALI MAALIN BAY CEEL JOOGTAA)waxay manta birtu kortaalaa Galmudug,hawl fiican oo meel fiican mareysa baa dawlada dhexe ka qabatay intaasna dhaliil bay la daba joogeen iyo hagardaamo kuwa xisbiyada sheeganaayaa,waxay abaabuleen shirkii Hobyo ayyada oo la abaabuley qabiilooyin gaara dhaqaalana la adeegsaday,waa seefta ama midida kaliya oo maanta cadawgu u adeegsado in lagu curyaamiyo danaha shacbiga iyo qaranka Soomaalida ,mar kastana qaa,inuwadan anaa hawshaas fulinaaya dhaha cadawgu ma waayo ee reer Galmudugoow yaantaladu idin ka hoos bixin maanta oo yeey haadaan idin ku ridin waxa loogu yeerey WADAJIR IYO UPD.Hadalkayga aan uga baxo su,aashaan,waxaan la dagaalamayaa dawlada dhexe Galmudna waan hormarinayaa oo dadkeeda baan midaynayaa mays gashaa?Yey idin dhaafin murtidaan qabiilkana iska jira waa ibtilo ama aafo markasa na hortaale.kana faa,ideysta maahmaahdaan(DUDUMO IN LA DUGSADO IYO IN LA DAREENSADO ISKUMA HESHO)!!!,Tan kale bal aan is weydiino muxuu yahay barnaamijdka siyaasadeed oo ay dadka gadayaan haday dhaliilayaan Nabad iyo  Nolol?Dad kayaga reer Galmudug horumarkoodu waxuu ku dhisan tahay Dekeda Hobyo oo dhisanta nin dawlada ka soo horjeedaana ma dhisidoono,maalgashadaal lacagtooda gelinaaya meel aan dawlad damaanad qaadaa lahayn ma dhacayso ee samaysta maamul dawladiisa la jaanqaada oo wax idiin qaban kara.

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale/ London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.