Diyaarad Shiiq Shariif Kismaayo uqaadi lahayn oo Laxanibay

sharif

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu xanibay Diyaaradii qaadii lahayd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo.

Madaxwyanihii Hore Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa Maanta u ambabixi lahaa Magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan Xaflada Caaleemo saarka Madaxweynaha is doortay Axmed Madoobe.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay diyaradaha qaadi lahayn Madaxwaynihii Hore Shiiq Shariif inaysan soo buuxin sharuudihii laga rabay.

Dhinac kale Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Maanta Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.