Ciidamada Xooga dalka oo wada weeraro shabab looga sifaynayo Shabeelada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka ayaa saakay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaaab ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.

Deegaanada ay howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Bariiri, Tooratoorow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabellada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay Radio Muqdisho u sheegeen in Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ka tirsan Gobalka Sh/hoose oo deegaanada qaarkood ku dhumaaleysanayaan iyagoono xiliyada qaar dadka shacabka ah dhibaato u geysta.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo is-daba joog ah kawada qeybo kamid ah gobolada dalka kuwaas iyagoo deegano badan ka saaray maleeshiyaadka Al Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.