Daawo:Ugaas Maxamed wali ayaa sheegay Dhaqan xumada Axmed madoobe inaan loo dul qaadanayn

jubad

Ugaas Maxamed Weli SH.Axmed Nuur oo kamid ah isimada dhaqanka soomaaliyeed ayaa maamulka jubaland ku eedeeyay iney caburin ku heyso musharaxiinta tagay magaalada Kismaayo kuwaas oo laga hor istaagay inay lakulmaan taageerayaashooda.

Ugaas Maxamed Wali ayaa sheegay inuu Axmed madoobe jabiyey Heshiiskii dowlada la gashay wax la aqbali karana aysan hayd sidii uu ula dhaqmay Musharaxa Madaxwaynha Jubbaland Xildhibaan Cabdifitaax, hadaba waxii ka dambeeyeyna Xildhibaanada Jubbaland waxaan kusoo dooranaynaa deegaanada kale ee Jubbaland ee xorta ayuu yiri Ugaas Axmed wali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.