Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Cambaareeyay Qaraxyadii maanta

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxaha Argagixisada ay maanta ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater),wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay inuu Naxriistii jano ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay Hay’adaha ammaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammnaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah”
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka ammaanka si looga adkaado kooxaha nabad diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.