Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeysay Dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

calan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo argagixisada Al-Shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho.
Tacsi taas la mid ah waxaa diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.
Qaraxyo ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ayay argagixisadu ku dileen ku dhowaad 20 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.