Bananbax Rabshado wata oo wasiir jubaland ah ku dhaawacmay ayaa ka dhacay Magalada Garbaharay ee gobolka Gedo

Garbao

Wararka naga soo gaaraya Magaalo Madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaaray ayaa waxay sheegayaan saaka halkaas uu ka dhacay Bananbax looga soo horjeedo maamulka jubbland ee uu Hogaamiya Axmed Madoobe.

Dadka Bananbaxa samaynayey ayaa waxay ahaayeen kuwa aad u tiro badan kuwaas oo socod kusoo dhex maray magaalada Garbahaaray waxay socodkooda ku tageen goob ay ku sugnaayeen wafti wasiiro jubbaland ah oo shalay magaalada soo gaaray.

Wasiir qorshaynta Jubbaland Ibraahim Awhirsi oo isku dayey inuu la hadlo bananbaxayaasha ayaa waxaa la sheegayaa in la daqray.

Maamulka fadhiidka ah ee jubbaland ayaa waxuu dhibato iyo fowdo ku hayaa shacabka jubbaland gaar ahaan kuwa Gobolka gedo.
Wararkeena dambe kala socda video iyo warar dheeraad ah.
Garbao

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.