Maqal iyo Muqaal:Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

guuled

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha bini’aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.