Daawo:Maxamed Cabdi Cartan oo ah muwaadin reer Kismaayo ayaa Maamulka Jubbaland dhulkiisa Dhaceen

cartan

Maxamed Cabdi Cartan oo ah muwaadin reer Kismaayo ah ayaa hantidiisa oo ah dhul sharci ah iska markaana leh sabarloogi waxaa dhac iyo boob cad u geytsya Maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxtooyada oo u soo adeegsatay Rashiid Maduuloow oo ah nin caadeytay dhaca iyo Boobka hantida dadka Soomaaliyeed ee Kismaayi.

Rashiid Maduuloow waxa uu si cad u sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe ku amray in dhulkaas ay la soo wareegaan iyada oo aan wax dhibaataa oo ay geysteen dadka iska leh aysan jirin.

Dhaca dhulkan waxa qeyb ka ah Ninka lagu magacaabo Tima jilic iyo rag kale waxayna xabsiga dhigeen una hanjabeen Odayaashii u doodayay dhulkan oo ka codsaday in laga qanciyo sababta dhulkooda loo boobayo.

Mulkiilaha dhulkan ayaa xusay in dhulkiisa oo Darbi ku wareegsanaa i uu dhisto uu rabay isla markaana hab qabiil loogu diiday loogana dhacay waxana uu Maxamed Cbdi Cartn xusay in Kismaayo ay ka jiraan tacadiyo dhac Boob iyo Handadaad ka dhan ah shacabka an Hubaysneen isla markana ay halbeen dhibato ku hayso shacabka iyaga oo aan iska qabanayn qaladadka.

Waxa uu Baaq u diray Madxweyne Axmed Madoobe oo uu ku yiri “Hadaad ogtahayna waaba sida horey la iigu sheegaye la ima dhici karo, hadaadan ogeyna soo farogali arintaan oo Maduuloow ka qabo shacabka”

Dhaca dhulaka waa wax caadi ka noqday Kismayo gar ahaan Dadka ku xeeran Madaxtooyada axmed madoobe oo awood sheegnaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.