Wariyeyaasha Soomaaliyeed Ayaa Ka Hadley Hadal’haynta Ku Aadan Isku’Shaan’dheynta Golaha Wasiirada Jubaland

jubaland

Tan Iyo Intii Ay Bilaabatey Hadal’haynta Ku Aadan In Madaxweynaha Jubaland Uu Sameyn Doono Isku Shaan’dheyn Iyo Shaqo Ka Eryid Lagu Sameyn Doono Golaha Wasiirada Jubaland

Ayaa Waxa Muuqaneyso Walaac Xoogan Oo Laga Qabo In Qaar Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Jubaland ay Markale Dib Usoo Laabtaan Kuwaas Oo Ku Sifoobey Aqoon Yari Iyo Kala Geynta Umadda Reer Jubaland Ee Ay Xilka U Hayeen .

Wasiirka Warfaafinta’ Isgaarsiinta Iyo Tiknoolajiyada Jubaland C/nuur Cali Aadan Ayaa Ka Mid Noqdey Wasiiradaasi La Calaamadey Ee Lagu Tilmaamey Hormar U Diidka Dadka Ay Xukumaan Gaar Ahaan Wariyeyaasha Jubaland.

Ururada Saxafiyiinta Heer Qaran Iyo Heer Dowlad Goboleed Ee Dalka Ayaa Si Isku Mid Ah Walaac Ooga Muujiyey Waxyaabaha Ka Dhalan Karo Hadii Uu Markale Dib Usoo Laabto Wasiirka Warfaafinta Jubaland Oo Lagu Sheegey In Uu Ku Sifoobey Iska Horkeenidda Wariyeyaasha Jubaland Oo Uu In Muddo Ah Ku Howlanaa Kala Geynta Iyo Kala Qeyb-qeybinta Wariyeyaasha.

Waxayna Ururada Saxafiyiinta Soomaaliya Iyo Kuwa Caalamka Tusaale U soo Qaateen Dagaalkii Qayaxnaa Ee Uu Wasiirku Ku Qaadey Ururka Saxafiyiinta Jubaland Ee Magaciisa Loosoo Gaabiyo ( JAJ ) Journalist Association Of Jubaland Oo Ahaa Urur Uu Hogaankiisa Kusoo Baxay Doorasho Lagu Tar’tamey Oo Dhex’martey Ilaa Shan Musharax Oo Ka Mid Ahaa Wariyeyaasha Jubaland Horaantii Sanadkan
Xiligaas Oo Uu Doorashada Kusoo Baxay Gudoomiyaha Ururkaasi Maxamed Qaasim Caliwaxar

Doorashadaasina Uu Xiligaas Goobjoog Ka Ahaa Wasiirka Warfaafinta Jubaland

Hasayeeshee Sharuudo Qalafsan Oo Uu Xiligaas Wasiirka La Yimid Ayaa Sababtey Mad’madow Soo Kala Dhex’galey Wasiirka Iyo Gudoomiyaha Ururka JAJ Sharuudahaasi Oo Lagu Sheegey In Wasiirka Uu U Soo Jeediyey Gudoomiyaha Waxyaabo Ay Ka Mid Ahaayeen In Xubnaha Kale Ee Ururka Uu Wasiirku Codsadey In Uu Gacantiisa Kusoo Magacaabo.

Halka Uu Sharciga Ururka Qabo In Uu Gudoomiyaha Soo Magacaabo Xubnaha Kale Ee Ururka

Arimahaasi Oo Dhan Ayaa Sababey In Gudoomiyaha Ururka Uu Kasoo Horjeestey Ficiladaasi Ayna Isaga Hor’yimaadeen Wasiirka Islamarkaasina Uu Ku Gacan Seyrey Dalabkaasi Kasoo Baxay Wasiirka

Iyadoona Wixii Xiligaasi Ka Dambeeyey Wasiirka Oo Isticmaalaayo Xilka Uu U Hayey Wariyeyaasha Jubaland Uu U Istaagey Kala Geynta Wariyeyaasha Ilaa Uu Ka Dhaho Qaar Ka Mid Waa Wariyeyaasha Dowladda Aniga Ayaana Xukumo Kuwa Kalena Malahan Xaquuqdii Saxafinimo .

Sikastaba Ha Ahaatee Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Oo Kor Ka Eeganaayo Dhabaatooyinkaasi Uu Geysanaayo Wasiirka Warfaafinta Jubaland Ayaa Iminka Laga Dhur’sugayaa Go’aanka Uu Ka Qaadanaayo Mustaqbalka Saxafiyiinta Jubaland Oo Hada Galey Xaalad Adag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.