Daawo:Ra’iisalwasaare Khayre oo la kulmay Wafti kasocda dalka Qadar

Wafti balaaran oo ka socda dawladda Qadar ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana hogaamiyay madaxa Dekadaha Dawladda Qadar .Waxayna kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyagoona kawada hadlay horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey boqashada ay Muqdisho ku yimaeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habrac shariciga ee u yaalla Soomaaliya.
Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta qaranka kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.