Daawo:Maxamed Xuseen Caddow oo ugu baaqay shacabka jubbaland in ay iska dulqaadaan Maamulka fadhiidka ah ee Axmed madoobe.

cadow

Iyadoo dhawaan Golaha badbaadinta jubbaland looga dhawaaqay magaalada London ee wadanka Ingiriiaka ayaa waxaa golahaas Gudoomiye looga dhigay Maxamed xuseen Caddow oo ah siyaasiyi kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Gudaha ayuu ku faafaahiyay u jeedka ay udhiseen golahani wuxuuna ku sheegay in sababtu ay tahay laba arimood oo kaliya kuwaa oo kala ah
1. Xaqiijinta Nabad kuwada noolaanshaha,
deegaanda Jubbaland iyo Laxisaabtanka maamulka kismaayo ee fadhiidka oo uu sheegay in magacaas uu isagu u yaqaano.

Wuxuu sheegay in u jeedkoodu uu yahay bidhaaminta tacadiyadaha Kismaayo kajira, sida xaalufinta Deegaanka ee uu wado maamulkaas, masaafurinta iyo caburinta Joogtada ah ee lagu hayo shacabka ree jubbaland iyo sidii ay ugu cadaadin lahaayeen dowladda dhexe in dhibaatooyinkaas ay wax ka qabato.

Mar laweydiiyay waxa ay golahani kaga duwanyihiin kuwo hortood lagu dhawaaqay ayuu ku dooday in shacabka ree jubbaland ay u dhanyihiin golahani,

bacdamaa kismaayo ay noqotay meel bahallo galeen ah ayne qorsheynayaan in deegaanada kale ee jubbaland ee xorta ah in ay dhawaan tagi doonaan olalahani siyaasiga ah ee ay wadaanne ay ka fulin doonaan.

Ugu dambeyn ayuu dowladda dhexe iyo bulshada caalamka usoo jeediyey in loo guntado sidii wax looga qaban lahaa waxa kismaayo iyo jubbaland kawado Axmed Madoobe isagoo reer jubbalandn ugu baaqay in la dulqaato nasriga iyo guushune ay dhawdahay.

W/Q: Cabdiqaadir Jiijiile

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.