DHAGEYSO: Guddigii Aqalka Sare ee loo xilsaaray Khilaafka Golaha Shacabka oo war soo saaray

Guddigii Aqalka Sare u xilsaaray xalinta Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in dhinacyadda uu Khilaafku u dhaxeeyo in ay joojiyaan Ololaha Siyaasadeed ay ka waddaan Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay la kulmeen Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana ay kala hadleen sidii Mooshinka loo marsiin lahaa wadada Saxda ah.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayna kala hadleen sidii xarunta Golaha Shacabka ciidamadii haayay dib loogu soo celin lahaa.

Waxa ay u mahadceliyeen Gudoomiye Jawaari oo ay sheegeen in uu aqbalay Mooshinka laga keenay, islamarkaana uu codsaday in la marsiiyo meeshii ku habbooneyd.

Guddiga ayaa sheegay in ay korjoogto ka noqon doonaan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.