class="post-template-default single single-post postid-13935 single-format-standard">
Gedo Times

FAALLO: “Xigtaa Xil Mudan” W/Q : Shaafici Cafaash.

Ugu hoeyn aan u mahadceliyo alle weyne Subxaana Watacaalaa ee ii suuragaliyay Qortanka Faaladaan, Nabad Galyo iyo Naxariis Nabigeena Suuban Korkiisa ha ahaato, Intaas kadib aan arar kooban u sameeyo Qoritaanka Faaladaan Aan ugu magacdaray “Xigtaa Xil Mudan”.

Soomaalidu La yaab Kumaleh in ay Qabyaad iyo Xigalanimo xilal ku bixiyaan, Xigtadoodane xilalka Markaas ay awooda u leeyihiin ku taxaan, Balse waxaa jira waxyaabo kabaxsan Xita Qabyaaalad oo u gudubtay Jifonimo iyo Xigaalo Hoosaad in xil lagu siiyo dad aad markaas is oran karto talow maxay ku muteen xilalka  loo igmaday,

Tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdii dhexe ee dalka Hogaanka Soomaalida ayaa ahaa mid markastaa hareerihiisa laga arki karay, dadka ku jifada ah ama ku heybta ah kuwaas oo markaas, uba haysta Masuuliyadda u mudanahaasi hayo in ay tahay mid uu iyaga u hayo,ayna ka daahsoontahay in xilka uu masuulkaasi hayo yahay mid qaran ama Bulshada oodhan ay u simanyihiin.

Bal Eeg Majiraa Xafiis Dowladeed oo manta ka caagan in lagu dhex arko  ama ay xilal kahayaan dad ku hayb ah mudanaha markaaas Kuriga ku fahdiya, ha ahaado Madaxweyne , Raisal Wasaare, Wasiir Agaasime ilaa Hogaamiyayaasha Gobolada oo aan ku arko kuwa ugu badan ee Qabyaaladda Isticmaala xafiisyadoodane laguba dhex arko intabadan shakhsiyaad ku hayb ah oo mararka qaar masuuliyadda ay ayaga hayaan darteed ku dhibaateeya shacab soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,lagaba yaabee ay xurguf dhexmarto Xigaalada Mudanaha ku hareereysan, taasi oo mararka qaar ay dadbadan kala kulmeen dhibaato baahsan Xigtanmada uu Xigaalada layahay Shakhsiga ay muwaadinka  isqabteen Mudanaha Madashaasi xukuma.

Arar sameynta yeysan ila tagine aan dib ugu laabto oon wax ka taabto qaar kamid ah Xigaalada Xilalka ay ku taxeen Hogaamiyayaasha Gobolada oo aan sheegay in ay yihiin kuwa ugu badan ee awoodooda u isticmaala Qaab qabyaaladeysan.

Aan ku hormaro Maamulka Puntland, oo ah sida ay qabaan hooyada Federaalka,

Waxaa Hogaamiyaha Maamulkaasi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo kuwii xilka kaga horeeyeyba ay caan ku ahaayeen ku saleynta Bixinta Xilalka iyo mansabka Nidaamka Qabyaalada, aan u soo qaato tusaalaha ugu fudud oo ah in madaxtooyadii Dhameyd ee Puntland looga ariminayay ayna aheyd in dadku ay u sinaadaan uu Madaxweyne Gaaas Agaasime iyo Afhayeenba uga dhigay wiil uu adeer u yahay Kaasi oo lagu Magacaabo Cabdulaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel. Ma isleedahay Akhristow Qabyaaladda Masuulkaasi hogaanka u ah shacab badan in wanaag laga filan karo marba haduu xilkii ugu  hoeeyey ee uu magacaabay  u dhiibtay wiil uu adeer u yahay, mise xaajadu waa  “Ushaada qof aad ka qaadan karto ayaa  loo dhiibtaa” MOOJI.

Sidaas si lamid ah Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa durba lasoo shirtagay markii uu hantay Xilka uu Xooga iyo awooda shisheeyaha ku qabsaday in Awood qeybintii uu ku saleeyey Nidaamka Qabyaalada aan tusaale u soo qaato TVga uu maamulkaasi yeeshay Sanad kahor, wuxuu Agaasime uga dhigay Cabdinaasir Saxansaxo oo uu adeer u yahay, majirto sabab cad oo la is dhihi karo xilkaas wuu ku mutay Agaasime Saxansaxo, marka laga reebo in uu adeer u yahay Hogaamiyaha Maamulkaasi, bal isweydii Tartan ma loo galay Qabashada Xilkaasi ka dhaxeeya Shacabweynaha ree Jubbaland?  Ma jirtaa meel lagu qaaday Imtixaan Shaqo oo uu ku soo baxay Inanka Agaasimaha laga dhigay,hadii ay jirto nala wadaaga hadii kale waa xigtaa Xil mudan.

Isla Hogaamiye Madoobe ayaa  Agaasimaha Madaxtooyada Maamulkaasi wuxuu u magacabay Abshir Colow oo ah inan Somali Kenyan ah, oo xitaa aan u dhalan Deegaankaasi, kaliya waxa la is oran karo waa loogu magacaabay Xilkaasi culus ee ka dhaxeeya Ree JUbbaland Xaqna ay u leeyihiin in ay ku tartumaan Cidii Buuxisa Shuruudane Markaas kadib loo magacaabo, ayaa qaab qar iska tuurnimo ah loogu magacaabay, bal markale isweydii muxuu mudahaasi aan xitaa Jubbaland kasoo jeedin xilkaasi ku mutay, Ma garan?

Aan u baqoolo halkaa iyo Koonfur Galbeed oo Jubbaland ay dacalka isku hayaan, Hogaamiyaha Mamaulkaasi oo qudhiisa qaabka uu kuyimid kuna noqday Hogaamiyaha ugu sareeya Maamulkaasi ay dul taxanyihiin Calaamatu Su’aal Farabadan, ayaa caleema saarkiisii kadiba wuxuu Afhayeenka Mamaulkaasi u magacaabay Cabdiqaadir Nadaara oo ah Suxufi si weyn loo yaqaano, kasokow in uu yahay jornaaliste shaqadiisu noqon karto Afhayeen, hadane ma cadda sabab aan qabyaalad iyo xigaalanimo aheyn oo inta Nadaara oo wadan uu ka shaqeysto jooga looga soowado , loo dulkeeni karo muwaadiniin aan shaqooyin haysan dalkane kabixin, akhriste ma uheli kartaa Jawaab aan aheyn in Qabyaalad uu xilkaasi ku mutay kagana sara maray Muwaadiniinta Koonfur galbeed u dhalatay, ee aan deegaankoodane katagin shaqo la’aane ay ku hayso.

Galmudug iyo Guuleedne kama marna Shaqo ku saleynta Qbyaaladda soomaalida Dilootay, Doorashadisiii Waqtiga iyo Juhdiga faraha badan ay kubixisay Dowladda kadib, wuxuu afhayeenka Mamaulkiisa u Magacaabay Suxufi ku hayb ah oo isagune London Daganaa ogaanteyna Shaqo ku haystay waa wariye Cabdirisaaq Socoto, oo qudhiisa muddo kadib isaga huleelay Cadaado, sabab aan u maleynaayo in ay tahay oo kaliya mushaar la’aan iyo magacaabid aan manfac wadan,

Hogaamiye Guuleed Usbuuc kahor wuxuu afhayeenka Maamulkiisa u magacaabay Suxufi kale oo ka hawli gali jiray Cadaado laguna Magacaabo “Maxamed Roob da’ay “ Malaheyga waaba markii uu ugu roonaa oo uu noqday Hogaamiyihiii ugu horeeyey ee daljoogta  shaqaaleysiiyay hadane waxa aan ku dhaliilaayo ayaa ah Tartan maloo galay magacaabidda mudanahaasi mise xigaalanimo iyo jufeysi ayuu xilkasi ku mutay ??

Jowhar iyo Cosoblane haka dheereyn dhabihii ay qaadeen Saaxiibada ay isku meeqaamka yihiin,

Akhristow waxa aan soo taxay waa un xilalka afhayeenada Maamulada Dalka kajira ay Masuuliyiintooda Magacowdeene, maxaad u maleyneysaa xilalka kabadan ee maamuladu bixiyaan waxa ay ku saleeyaan ama ku saleeyeen, laga fili mayo aragtideyda tubtii ay u qaadeen magacaabidda afhaeenada mid kaduwan in ay xilalka kale ku saleeyeen, ee talow cosoblaha Jowhar loogu  caana shubay, makaleexan doonaa toobiyaha ay hayaan Hogaamiyayaasha la ologta ah. Mooji…?i

Hadii Hogaamiyayaashii Gobolada Sidaas sameeyeen Maxa laga filan karaa Maamulada Gobolada iyo kuwa degmooyinka ee Iyaga kahoos shaqeeya ?… Jawaabtu waa “Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay” joo macnaheedu yahay in ay kadaraan ma ahane ka reyn maayaan, hadeysanba kahoos marin Jifonimada oo aysan uga sii gudbin Jibsin iyo  falarnimo.

Xilli lagu jiro qarnigii 21-aad oo ay aheyd in laga korsado halkii lajoogay qarnigii hore ayaad moodaa in qarni iyo qarniyaal kale lasii dib maray, marka la eego Nidaamka Qabyaaladda Soomalidu heerka ay gaarsiisantahay, arinta walwalka iyo walbahaarka igu hayso ayaase ah in aan laga waantoobeyn qaladaadka hadda jira, dhaliilaha lasoo jeediyane qudhooda loo qaadan doono kuwo qabyaalad la xiriira halkii ay aheyd in dhinaca wanaagsan inta dhaliisha laga fiirsho lasaxo eedaha loo jeediyey Madaxda Soomaalida.

W/Q: Shaafici Cafaash

Mshaafici121@gmail.com

 

Please follow and like us:
error

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial