DAAWO: Xil. Aadan Barre Oo Si Carro Leh Ku Amray In Talaabo La Qaado 48-Saac Gudahood “SABAB”

aadan

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si caro leh uga hadlay weerarka Alshabaab ku qaadeen shalay xerada ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay garoon ay isugu soo baxeen dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayuu ku baaqay Aadan Barre inay aargudasho ku dhaqaaqaan ciidamada Kenya. “Mudane Madaxweyne, waa inaan aargudanaa, ciidamadeena waa inay aargutaan 48-ka saac ee soo socda, Soomaaliya kama baxeyno ilaa inta aan ka dhameystireyno howshii aan halkaas u tagnay…” ayuu yiri Mudanaha oo ay caro weyn ka muuqatay.

Lama yaqaan qaabka uu aargoosiga Kenya noqon doono, waxaase laga cabsi qabaa in diyaaradaha dagaalka ay duqeyn balaaran ka geystaan gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.