Dugaagnimada Xasan Sheekh iyo Xalka Laga Doonay Kismaayo Soo Uma Eka “Meeshii Cirka Laga Sugayey Baa Ciiryaamo Ka Timid”

Kismaayo

Waa sedex arimood oo isasaaran oo mudun in laga hadlo aanse ku hormaro shirka Kismaanyo:-

1-Kismaanyo waa saldhiga Axmed Maxamed Islaam, waana magaalo mustacmirad u ah asaga sababtana waa Sidaan.

A- waxaan dhammaan ognahay in uu yiri ;(kismaanyo waxaan soo galay aniga oo meyd iyo dhaawac wata waxaana ka bixi karaa anoo dhaawac iyo meyd wata.

B-waxaan wada xasuusanaa oraahdii caanka ahayd ee ahayd (saddex ii keen aan mid kala baxee) waana qaabkii lagu dhisay baarlamaan ku sheega ka jira Kismaayo.

C-Axmed waa ninka afkiisu karay dawladnimadayada waxaa asal u ah Keenya waana in ay indhaha ku haysaa oo korjoogtaysaa.

D-Kismaayo waxaa si afduub ah ku xiran senatoor ka tirsan aqalka sare ee JFS. Haddaba akhristoow Kismaanyo ma noqon kartaa meel xalka Soomaaliya laga raadiyo?!!.

Marka aan soo qaadano xal u raadinta Soomaaliya iyo Dhimoqaraadhiyad in Axmed Madoobe iyo Kismaanyo laga raadiyo sow uma eka (Meeshii cirka laga sugayey baa ciiryaamo ka timid)ama (Kadar oo dibi dhal).

Marka aan saas leeyahay kooxda Xassan Shiikh iyo damjuadiidin aan u xaglinaayo yaan loo qaadan waayo ayyaguna waa dugaag aan beer reebeyn dalka, Diinta iyo dadkuba waa u xaraash waana mudan yihiin in dagaal jahaada lagu qaado.

Aan gunaanadee Soomaaliyeey haddii aad culumo Alle taqaan idinku jirto,haddii aad aqoonyahayn leedihii,haddii dhalinyarada iyo ururada bulshada dhiig ku jiro xalkiinu kuma jiro kuwa Kismaanyo iskugu tegey oo Keenya iyo Itoobiya geesaha ka fadhiyaan kooxda Xassan Shiikh ee damujadiid kaba daran ee aan u kacno in aan is badbaadino.

Wabilaahi Towfiiq Cabdu

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.