Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qorshaha horumarinta 5-ta sanno ee soo socota kaddib munaasabad ka dhacday Hotel-ka Fatxi ee magaalada Jowhar.
Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa Caasimada Jowhar iyo qeybaha bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi Cali ayaa tilmaamay hirgelinta qorshaha inuu mudnaan gaar ah u leeyahay Dowladda Hirshabeelle.
“Maanta waxaan daah-furay qorshaha horumarinta 2-aad ee Dowladda Hirshabeelle waxaan rajeynaa inuu noqdo mid waxtar u leh shacabka Hirshabeelle.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa gabogabdo munaasabadda haddalkan ka yiri.
Qorshahan oo lagu shaqeyn doono 2025-2030 ayaa isugu jiro Amniga, Caafimaadka, Deegaanka, Beeraha iyo Howlaha Guud.
Leave a Reply