Farmaajo oo Hambalyo u Diray Gudoomiyaha Cusub ee Barlamanka Waqooyi Bari

farmaajo

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cadulaahi Farmaajo ayaa Hambalyo U diray Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Hambalyo Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan.

Guddoomiyaha cusub waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka doorashada, hoggaaminta Golaha Baarlamaanka iyo dheelli-tirka dowladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada, Guddoonkii iyo Guddiga Kumeelgaarka ahaa ee doorashada guddoonka Golaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo si wanaagsan u dhammaystiray doorashada loo xilsaaray.

DHAMMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.