Dowlada Soomaliya Oo Itoobiya Waxba ka Sheegin ayaa eedeyn Ujeedisay Axmed Madoobe iyo Kuxigeenkiisa

Axmedmadoobe

Dowladda fedraalka ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeedisay mas’uuliyiinta sare ee maamulka Jubaland.

Waxay ku eedeysay inay colaad ka hurinayaan gobolka Gedo, oo todobaadkii hore ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka oo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan.

“Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey la socotaa in wali xubno qaswadayaal ah oo ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe ay ku mashquulsanyihiin shirqoollo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobalka Gedo, sidoo kalana ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Xubnahaas waxay dowladdu sheegtay inuu kamid yahay madaxweyne ku xiigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ay sheegtay inuu horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay Gobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe uu ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xaqiiqada Gobalka Gedo, ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.