Galinsoor; 13-06-2025, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar nabadeed ku tagay degmada Gallinsoor ee Gobolka Galguduud, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay gogol nabadeed oo xal looga gaarayo colaadaha sokeeye laguna heshiisiinaho beelaha walaalaha deriska ah.
Madaxweynaha oo hoosta ka xarriiqay in Galmudug ay ka go’antahay xakameynta colaadaha sokeeye ayaa ka kaga mahadceliyay hoggaanka dhaqanka iyo wax garadka deegaanku sida ay u aqbaleen dib u heshiisiinta bulshada, nabad galyada iyo guud ahaan horumarinta deegaanka.
Leave a Reply