Xaalad dagaal ayaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, halkaasi oo lagu arkayo Ciidamo hubaysan oo taabacsan siyaasiyiinta Mucaaardka ah ee dhaliilsan liiska Xildhibaanada Madaxtooyada Puntland Soo Gudbisay.
Maanata waxaa xarunta Barlamaanka Puntland lagu dhaariyey Xildhibaano tiradooda gaarayso 59 halka la sheegay 7 kale inay maqan yihiin.
Musharaxiinta u sharaxan Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay liiskaan inuu soo gudbiyey Deni, waxaana ku jira 17 Xildhibaan ee SSC taas oo kasoo horjeeda go’aamadii Garaadada SSC.
Leave a Reply