Mashaariic hormarmarineed oo laga hirgaliyay degmada Waajid

Mashaariic hormarmarineed oo Dawlada UK ay ka fulisay degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa maanta xarigga laga jeray

Degmada Waajid waxaey ka mid atahay gobolka Bakool  waana degmada keliya oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Shabaab, taas oo saameeynweyn kuyeelatay Bulshada ku nool Waajid Kadib markii ay waayeen edegyada lagama maatmaanka u ah noolsha aadanaha sida Waxabarashada  iyo Caafimaadka.

Degmada Waajid oo ilaa iyo 90 K.M. dhinaca bari uga beegan Xaruunta Gobolka Bakool ee Xudur waxaa si aad ah u saameeyey  go’odoonka wadooyinka soo gala . taas oo sababtay in Degmada ay ka barakacaan 100 . 65 dadkii daganaa

Dawlada UK oo u soo wakiilatay Qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay ka hirgalisay  Dhismooyin iskugu jira  Suuq weeyn oo lagu iibiyo Hiliba Xoolaha iyo Qudaarta . Xaruunta adeegga Garsoorka  Ceel Biyoodyo ladayactiray . iyo beero  aad u qurxbadan oo Bulshada lagu dereensiinaayo  Kheyraadka Dhulkooda Hooyo

Waxaana Maanta Gaarey Degmadaasi Qaar ka mid ah Wakiillada Hay adaha Fuliyey Mashaaricahaasi . waxayna  Xaruunta Degmada Kulan  kula qaateen  Maamulka Degmada  oo  uu horkacaayey  Gudoomiyaha  degmada.

Kulanka kadib waxaa saxaafada la hadley  Caasho Sheekh C/laahi oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Waajid iyo C/laahi Aadan Sanqoor  oo ah gudoomiyaha degmada Waajid waxayn  u mahadceliyeen  Dawlda Britain  Mashaaricahan ay ka fulisay Degmada Waajid

“Aad ayey Farxad noogu tagay maanta in xarigga laga jero Qaar ka mid ah Mashaaricdii Dawlada UK ay ka fulisay Degmada Waajid Walina baahiyo Farabadan ayaa jira waxaana ka codsanaynaa hay’adaha kale in ay caawiyaan dadkan Ku dhibaateysan degmadan go’doonka ku jirta” ayuu yiri gudoomaha degmada Waajid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.