Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in la furay Ururrada Siyaasadda isla-markaana Siyaasiyiinta dalku wixii imika ka dambeeya u Madax-banaan yihiin inay furtaan Ururrada Siyaasadda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) aayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu fasaxay furashada Ururrada Siyaasadda dalka.
Leave a Reply