Puntland oo looga digay Duufaano Xoog badan oo kusoo wajahan

puntland

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka, ayaa waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo inay Duufaan ku dhufato degaanno ka mid ah Dowlad gobaleedka Puntland, sida deegaannada Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.

Duufaantan oo ku socota xawaare dhan 35 km/Saacaddii ayaa laga cabsi qabaa in 24-ka saac ee soo socda ay ku dhufato cirifka waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyadoo laga yaabo in si gaar ah ay ku dhufato xeebaha gobolka Bari.

Shacabka ku dhaqan deegaannada xeebaha ah ayaa looga digay inay feejignaadaan 24-ka saac ee soo socda.

Sanadahii la soo dhaafay deegaanno ka mid ah Puntland ayaa waxaa ka dhacay Duufaanno ay ka mid ahayeen Pawan halkaas ku dhufatay 2019 iyo Gati oo iyadana halkaas ka dhacday sanadkii tagay ee 2020, kuwaa oo ay ka dhasheen dhibatooyin kala duwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.