Sawiro:Ardayda kaalimaha hore ka galay imtixaanka dowladda oo dhiiri gelin loogu sameeyay Caabudwaaq

Cw

Munaasibadaan oo ay soo qaban qaabisey Madasha Hogaaminta Ileys isla markaana lagu taageerayey ardeydii ugu sareysey imtixaanka shahaadiga ah ee fasaslka 12-aad  ayaa maanta lagu qabtey magaalada Caabudwaaq Waqooyiga Gobolka Galgaduud

Munaasibadda ka soo qayb galey Siyaasiyiin, aqoonyahanno, Macalimiin Waalidiin Iyo Ardaydii kaalmaha hore ka galey Imtixaanka fasalka 12, aad

Ugu horeyn waxa Munaasabadda ka hadley Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Galgaduud Xasan Axmed ayaa bogaadiyey ardeyda kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda.

Qaar ka mid ah ardeydii kaalmaha hore ka galey imtixaanka iyo Macalimìintooda ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo, dadaalka ay ardayda geliyeen dhanka Waxbarashada.

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Xirsi Qorax Iyo Siyaasi Daahir Cali kamiin oo ahaa Mas’uuliyiinta Madasha Hogaaminta Ilays ee qabtay munaasabada lagu dhiira galinayay ardayda ayaa bogaadiyey ardayda sheegeyna iney sii wadaan dadaalkooda.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey ardaydii galay kaalmaha hore, waxana xusid mudan in 20-ka arday ee ugu sareeya Galmudug ay 12 ka mid ah ka baxeen Iskuulada Caabudwaq, halka guud ahaa 10 arday ee dalka ugu sareeya laba ka mid ah yihiin Ardayda Caabudwaaq wax ku baratay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.