Sawiro:Madaxweyne Waare oo Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaannada Labada Aqal

waare

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda Hirshabelle kulankaasi oo ku saabsan is xogwareysi la xiriira xaaladda dalka iyo shirarkii wadatashiga ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliiya iyo Mas’uuliyiinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimadda shirarkii Sama-Reeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa, waxaana uu Xildhibaannada ka codsaday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga.

Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaannada ayaa iska xogwareystay muhiimadda ay leedahay dhisidda Hirshabeelada cusub, loona baahanyahay Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabeelle in ay ka qeyb qaataan dhisidda Hirshabeelle, xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay deegaannada Maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.