19 caruur Itoobiyaan ah oo la soo daayay

Waxaa la soo daayay 19 caruur Itoobiyaan ah oo afduub loogu haystay South Sudan.

Dadka afduub kaasi gaystay oo ka mid ah qawmiyadda Murle ayaa weeraray xadka galbeed ee Itoobiya bishii hore, waxayna gaysteen dhibaato baaxad leh.

Waxay dileen in kabadan labo boqol oo ruux waxayna afduubteen in kabadan boqol caruur ah.

Ciidammada Itoobiya ayaa galay South Sudan iyaga oo ku raad jooga dadkii weerarka Soo qaaday, balse waxaa lagu qanciyay in aysan dagaalamin.

Dawladda South Sudan ayaa wadahadal kula jirtay cuqaasha deegaanadaas si loo soo daayo caruurta.

Sagaal iyo toban ka mid ah caruurtii ayaa dib loogu celiyay dalkoodii Itoobiya.

Dadaalo ayaana la sameeyay si kuwo kale loo soo daayo.

Jawaabta ay ilaa iyo hadda ka bixisay South Sudan ayaa u muuqata in ay baajisay muran soo kala dhex gala dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya oo awood badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.