Akhriso:Luga Dheere oo Xilka ka qaaday Maamulka Gobolka Gedo

Qoraal kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland mudane C/Qaadir Caaji Maxamuud Luga Dheere ayaa lagu sheegay in xilka lagaga qaadey qaar kamid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey masuuliyiin cusub.

Masuuliyiinta gobolka gedo ee Lagu dheere sheegay inuu xilka ka qaaday ayaan hoos tagin maamulka Jubbaland ee Kismaayo dagan, Masuuliyiinta la sheegay in xilka laga qaadaya ayaa kala ah.

Cismaan Xaaji Nuur -Waxaa laga qaadey xilka gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo waxaa lagu badaley Maxamed Xuseen Cismaan inuu noqdo gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo.

Maxamed Cabdullaahi Gardhuub- Waxaa laga qaadey xilka gudoomiyaha degmada Luuq waxaana lagu badaley Bishaar Aden Cabdikariim inuu noqdo gudoomiyaha degmada Luuq.

Cabdullaahi Nuur Xasan Waxaa laga qaadey xilka gudoomiyaha Baardheere waxaana lagu badaley Ismaaciil Cabdi Qorax inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee degmada Baardheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.