Todobo Ruux oo isku hal Qoys ah ayaa ladhigay Isbitaalka degmadda Balanballe ee gobalka Galgaduud kadib markii ay ku sumoobeen Hilib ay cuneen, Dadkaan oo ah reer guuraa ayaa laga keenay deegaanka Haraale ee Galbeedka degmadda Balanballe waxaana hadda xaaladdooda lagu dabiibayaa Isbitaalka Balanballe.
Madaxa Arrimaha Bulshadda degmada Balanballe Saalax Cabdille Aadan oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa uwaramay Wariye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac oo kusugan xarunta Daljir ee Caabudwaaq.
Audio Player
Leave a Reply