DEG DEG : Shaqaale u Shaqeynayay Hay’ad Turki ah oo Goor-dhaw Muqdisho lagu dilay.

Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow isgoyska taleex lagu dilay Afar kamid ah  kamid ah shaqaalaha haayad turki ah oo Muqdisho ka howlgasha,

Afar  nin oo laba ay soomaali yihiin iyo labo turki ah ayaa ku dhintay weerarkani lagu qaaday, kaasi oo eey fuliyeen dableey aan ilaa iyo hada heybtooda aan la aqoonsan.

Sidoo kale Afara kale oo turki ah ayaa weerarkani lagu dhaawacay, iyadoo hadda lagu dabiibaayo isbitaalka DEVA ee Magaalada Muqdisho oo ay Turkiga gacanta ku hayaan.

Goob joogayaal ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa Gedo Times u xaqiijiyey ineey arkayeen dableeyda weerarka geesatay oo gaari BL ah ama gaadiidka dadweynaha kasoo dhex rasaaseeyey shaqaalahani oo ku socday gaari nooca raaxada ee NOHA loo yaqaano ah,  kadibna rasaas ku fureen ayadoo isla markiiba eey baxsadeen kooxdii weerarka geestay.

Laamaha amaanka ee dowlada ayaa lasoo warinayaa ineey durba gaareen halkii uu ka dhacay falkani, inkastoo aan la sheegin cid gacanta lagu soo dhigay ilaa iyo Hadda.

kala soco Gedo Times waxii wararkaasi kusoo kordha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.