TOP News : Xildhibaan Magan iyo Siyaasiga Goonjeex oo Maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Xildhibaan maxamuud Cali Magan iyo siyaasiga Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib muddo bil ah oo ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo.

Labadani siyaasi oo kamid ahaa SIyaasiyiintii Mucaaradsanaa Maamulkaas ayaa aqbalay in ay la shaqeeyaan Maamulka Jubaland kadib wadahadallo ku dhexmaray magaalada Kismaayo iyaga iyo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe.

kusoo laabashadooda Muqdisho ayaan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa, inkastoo siyaasiyiin ay isku olog ahaayeen oo ay kamid yihin Cabdi Shire iyo Janaraal Cali madoobe ay kismaayo joogaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.