Degdeg: Hay’adda NISA oo Gacanta ku dhigtay Gaari laga soo Buuxiyay Walxaha Qarxa.

Hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, ayaa saaka magaalada Muqdisho ku qabatay gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa oo la rabay in shacabka lagu halaago.

Afhayeenka gobalka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in gaariga oo ahaa nooca Kaaribka laga soo qabtay gurri ku yaalla xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Wuxuu sheegay afhayeenku in gaariga oo ay ka buuxeen wax yaabaha qarxa iyo seddax qori oo AK 47 ah ay soo sheegeen shacabka xaafadaas kuwaasoo hey’addaha ammaanka ku soo wargaliyay.

Ilaa hadda si rami ah looma halka lala damacsanaa baabuurka laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa ee lagu qabtay xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.