16 jir loo magacaabay Gudoomiye Degmo

Faysal Cabdulaahi Cumar oo ah 16 sano jir ah dhigta Fasalka 4aad ee Dugsiga sare oo ku yaal Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wiilkaan yar ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeelle.

Faysal Cabdulaahi Cumar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta ayaa tilmaamay in lamagacaabay isaga oo aan ogeen, mar qur ahna ka warhelay in xil loo magacaabay, wuxuuna meesha ka saaray in lagu war giliyay in xilkaas loo magacaabay, wuxuu sidoo kale sheegay in uu aad ula yaabay sida fudud ee loogu magacaabay xilka Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Degmada Gamboole ee G.SH/dhexe wuxuu kalo uu tilmaamay in xilalka  hadda loo maro dhibaato badan oo lagu bixiyo lacag badan, laakiin isaga aanu ogeen waxa sababay in xilkaas loo magacaabo.

Wiilkaan ayaa ugu dambeyn ugu mahadciliyay maamulka Hirshabelle magacaabista ay u magacaabeyn Gudoomiyaha Degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna sheegay in uu xilkaas iska Casili doono maalmaha Soo socda, kadib markii uu sheegay in uusan awoodin gudashada Xilkaas loo magacaabay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.