Bal Akhriso Dhibaatooyinkii kala duwanaa ee iga qabsatay Kismayo taas oo igu kaliftay in aan ka haajiro Magalada Kismayo.

saabir

Is bar bar dhig dhibaatadan iyo kuwa loo gyesto shacabka dulman ee ku nool Kismayo kee badan tolow shacabkaa badan isumana dhawa hoos ka akhriso

Waxaan ahay Muwadin U dhashay Jubbaland Dhib iyo dheefba xaq ayaan u leeyahay in aan la wadaago Bulshadayda waxan ahay Saxafi u adeego Bulshada islamarkaana ah isku xirka indhaha dhagaha Masuuliyiinta iyo Rayidka aan is haleelin

Xaq uma lihi in aan ka aamuso Jir dil iyo dhibaato Joogto ah oo ay ii gaystaan Ciidamo aysan Howshooda iyo Shaqadooda ahayn lacalaba hadii ay dhacdo in aan sheego wax aan sal iyo raad lahayn amaba wax u dhimi karo jiritaanka wada jirka Bulshada.

Xabsigi_koowaad_bilaa_sabab

12 September 2015 Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland

Anigoo ku jiro Shaqo howleedka Warka ayaa waxaa si bareer ah la iiga soo waday Halka ay ka socotay Caleema Saarka indhaha ayaa la ii xiray waxana la igu dhex tuuray gaari xiligaasi

ma garanayn Halka la ii wato iyo Cida aan u afduubnahay waxa la i geeyey Xaruunta Keytoo oo xiligaasi ahayd Xabsi dad badan lagu Ciqaabo Waxaa la ii bilaabay Ciqaabtaydii ahayd Jirdil Koronto iyadoo aysan jirin Danbi aan galay iyo tabasho ku aadan in aan gudbiyey warar qaldan

Xabsigaasi waxan ku jiray Mudo lix Cisho ah iaydoo intii aan ku jiray Habeyn kasta Biyaha bada Koronto iyo jirdil la iigu geystay. Halkaasi

siideyntayda oo qaadatay Malmo Subixii danbe waxa isoo galay askari wuxuu igu war galiyey in la isii dayn doono balse shardi aana Sheegi karin dhibaato kasta oo la iigu geystay Xabsigaasi.

Xabsigii_labaad_bilaa_sabab

13″ July 2016. Ururka Saxafiyiinta Madaxa Banaan ayaa qaar ka mid ahi waxay Gudoomiye u Doorteen Wariye Khadar Maxamud Xared waxan ka mid ahaa Wariyaasha Doortay Khadar Maxamuud Xared

15 isla July Maalin Jimce ah aniga iyo Wariyaal Badan oo Joogno hotel Kismayo ayaa waxaa noo yimid labo nin oo askar ah si gaar ah ayey igu yeeren waan u soo istaagay indhaha ayey wariyaashi kale wax kala Socdaan ka dib markii aan u imid waxay igu yirahden Na hor qabo! Waxan ku jawaabay Na horqavo caqli mahane isheeg wax aan idin ku hor qabto waxaa la iila soo baxay bistoolad iyadoo qadaadka la iga saaray islamarkaana si xoog ah ayaa gaari nooha ah la ii galiyey

iyadoo Ciidankasi ay ka amar qataan Nin lagu magacaabo jibriil war wareejin Badan ka dib waxaa la igu soo xiray xabsi dhib badani ka jiro oo loo yaqaano Fiaad halkaas oo ay iiga soo horeysay Jirdil iyo jareexooyin bilaa sabab ah taas oo ka dhigtay rajadii aan ka lahaa jubalnd 45%

Dadaal iyo juhdi badan kadib waxan dib u helay Xuriyadeyda anigoo og dhibaatada la ii gaystay si la mid ah sidii hore ayaa waxaa la iiga digay in aana sheegin jirdilka la ii gaystay oo feerahaygu diilimo diilimo u yeeshay.

Xabsigii_Sadexaad_bilaa_sabab

14 October 2017 Maalin sabti ah waxaa gaarigeyga waday Wariye Maxamed Qasim Waxar. Aniguna waxan saarnaa shirka hore ee gaariga waxan soconay wado

anigoo xiligaasi damac sanaa in aan muuqaalo bilicda Magalada Kismayo. Iyo Wareyso ka turjumayo Tayeynta bilcda Magalada Kismayo u doonto Magalada ayaa waxaa gaariga soo ag is taagay askar Bistoolado ku hubeysan waxay u wacdeen Maxamed Qasim waxayna la galeen gaarigii ay wateen wayna iga dhaqaaqeen

waxan korey shirka darawalka gaarigeyga oo awal uu waday Maxamed Qasim anigoo yaaban ayaan dhaqaaqay waxaase si ka dis ah luuq iigala hadlay mid ka mid ah askarta bistooladaha wadato kaas oo lahaa istaag ha dhaqaaqin waan istaagay oo ma amar diidin waayo ma jirto danbi aan cid ka galay askarigii ayaa gaariga si xoog ah u soo korey shirka darawalka isagoo markaasi isticmaalayo awood qori

gabar Xafada ah oo gariga saarnayd ayan ka codsaday ka hor inta aan la i xirin in aan xafada geeyo yaa allahu ayan gabadhi xafada ku keenay ka dibna waxaa naloo soo ka xeeyey Xabisiga Fi’aad. Ws sharci

waxay xireen maxamed Qasim waxayna iishegeen anigu in aana wax danbi ah lahayn balse aan bixi doono waxay baareen labo laabtoop oo saarnaa gaarigeyga oo aan anigu leeyahay waxay sidoo kale baareen telephone keygii gacanta wax macluumad ah oo anfaco way ka waayeen waxayna isheegeen in aan bixi karo

garigii ayaan kala wareejiyey waxayna igu qabsadeen telephone markaa gaariga saarnaa oo aan u haystay in ay lahayd gabadhii Xaafada aan geeyey telephone kii ayey iga qaadeen waxayn igu bilaabeen feer iyo haraanti iyagoo afar ah anigoo jugtaas qabo ayey gudaha xabsiga ii galiyeen 35dhiigyacab manaxayaal ah oo ku diirsado jaqista dhiiga biniaadamka waxay igu bilaabeen jirdil suun baad Ul iyagoo markii ay daalaanba God biyo ah igu dhex ridayey dhawaqa qayladaayda waxay gaartay dhamaan inta ka ag dhaw Xabsigaasi waayo si ka baxsan biniaadanimada ayey ii dileen iyagoo markii aan juuq gabay sidii meydka oo kale dhulka iigu jiiday

XARIGII AFRAAD BILAA SABAB.

8 February anigoo gudanayo waajibaadka iga saaran in aan u adeego bulshada Somaliyed islamrkaana diyaarinayo Sanad Guuradii Madaxweynaha Federal Somaliya Maxamed Abdallah Farmaajo oo aan soo duubtay inta badan Codadkii dadweynaha ay ku muujinayeen dareenka Sanad Guurada Madaxweynaha Somaliya ay ka qabaan ayaan waxan damcay in aan muuqaalo wanagsan ka qabsado Magalada taas oo xiiso u yeeli lahayd warbixinta aan ka diyaarinayo Farmaajo ee Kismayo laga soo diray Xiligaa waxan tagna Dahabshiil waxan kamarada ku hayey dabaqyada Hormuud Hotel mashalah iyo linke dabaqyada xigo calanley xiligu waa adag yahay oo qoraxda ayaa i gubeyso saacadu 1 kowdii Duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah waxaa ila hadlay mid ka mid ah labo nin oo sii galaysay Xaruunta Dahabshiil waxuu igu yiri maxaad duubaysaa waxan u maleeyey ganacsato ama asxaab kor iga taqaano oo iska kay fowdaynayso waxan ku iri howl ayaan wataa midkii la socday ninkaan marka danbe noqonayo nabad sugida ayaa kamarada igu qabsaday isagoo afka hore ee kaamarada si xun u qabsaday kan nabad sugida ah ayaan ku iri maxaad tihiin? Wuxuu iigu jawaabay Mar hore ayaa lagaa rabay hadana Nabad Sugida ayaan ahay ee halke u sheysaa? Waxan u sheegey in aan tvyo ka socdo una shaqeeyo howsha aan duubayeyna ahayd 8 February sanad guuradii Farmaajo warbixinteeda wuxuu igu yiri soo ma ogid in aan kuu sameyn karo kiis? Waan isku naxay oo waxan iri koley way ka suurtowdaye tolow muxu kuu sameyn doona waxan ku iri kiis aniga aanan lahayn halkee iga gali adaa ku aakhiro beeli doone muxuuse yahay kiisku?

Fikir ka dib wuxuu meel in badan noo jirto ku arkay baabuur dhuxu sita oo dhankeena u soo socota wuxuna la soo booday hadaba dhuxusha ayaa duubaneysay isaga oo og sida dhabta ah waxan ku iri kiis fiican ayaa ii heshay ee inta wanagu jiro sxbow shaqadayda ii tix galin waan ku tix galinayaayr wuxu igu yiri markaad i tix galinayso isku lood miyaan nahay anigi sargal baan ahay tix galina kagama baahni waayahay gaariga meel cidlo ayuu iga yaal ee aan soo qaato oo na mari waan is racaynaaye wuxu dhahay maya garigaan kor sidii ayaan ku soo koray waxan iri sxb kamerada baaro dhuxul hadan duubayey way soo baxaysaaye kulahaa maya wuxu ii geeyey taliyaha danbi barista Axmed Muuse wuxuna igu dhahay waa qaran dumis gal ah ee meesha shababka lagu xiro hala geeyo.

Sidaas ayaa la igu soo waday waxan u nimid wariye Gacmadheere oo lahaa kamarada aan howsha ku watay Gacmadheere wuxuu dhahay aan baarno kamerada ninyow ninkaan aniga ayaa shaqada ku ogaa wuxuna duubayey 8 February sanad guuradii Farmaajo waxan baarnay kamerada hal vedio aya waxan ku aragnay meesha ugu danbeyso babur dhanka gadaale. Vedio ga ka soo galayo miriq dhahay gaarigaasi bac inay saarneyd wan aragnay lkn la xaqiijin karin in uu ahaa dhuxul waayo kamerada ayu miriq ku dhaafay ileen wax loo dan lahaa maahane. Nuur cumar intii ayaa jaanis u noqotay isagoo yiri waa dhyxul idlamarkana hankiisa iyo caqligiisuba garteen in nin walalkiis ah oo shaqada uu sheegayo aan ku jirin uu xalad been ah ka abuuro. Sidii ayaan ku imid xabsiga wuxuna kamaradii isla markiiba dib u siiyey Wariye Gacmadheere oo lahaa awalba malintii ugu horeysay si fiican ayaa la iisoo dhaweyey oo waxa la ii keenay joodari baananka xabsigana waan ku xirnaa oo qol ma galin lkn habrynkii labaad oo ay taariikhdu ahayd 9 February ayaa Xili afar saac ah waxaa ii yimid Nuur Cumar wuxuu i yiri Saabir waad baxaysaaye soo qaado wixii kaa yaalo sidiii ayaan ku soo baxay gaari yar oo cad ahna nooca loo yaqaano i s t ayuu watay aniga wan yara shaki sanaa oo waxan qiyaasayey ayaa soo bixi doona waxan iri ninyow aabo ii wac wuu ii wacay aabo ayan la hadlay waxana u sheegey in aan soo baxay imaana doono nuurkii ayan u dhiibay telkiisa waxaa isla markiiba soo wacay qaalid oo ah Taliyaha Nabadsugida waxay isku dhaheen ma maqlayn balse waxan xasuustaa nuur iyo rag aan nabaro iska hayn in uu isku xiriirinayey oo qaalidku marka uu soo waco nuur wuxuu lahaa wadka ku jir rag kale ayuu qadka u galinayey wixii intaasi ka danbaysay nuur suu ii siiwaday ayuu wuxuu ii geeyey gaari nooca ramta loo yaqo oo wada madow wuu ag istaagay muraayada hore ayry dajiyeen waxan halmar ii. Muuqday rag eada maas karaati xirin oo shoe la ii diyaariyey waxana isu key racday xili habeyn nimo mugdi ah gaari madow iyo rag afduuban waxan qabsaday towxiidka anigoo ka quustay nolol danbe gaariga madow ee ay wateen ragan afka duubtay boosta kaanadiisa danbe ayey i saareen oo islamarkaana wajiga ayey maro iga saaren anigu garan maayo meesha aan u socono iyo waxa la iga damacsan yabay lkn waan is qalbeeyey oo shahhadad afka ka saari maayo sidii la ii sii waday waxaa la i keenay xeebta waxayna iga fureen maradii wajiga iga saarnayd xiligaasi ayey igu bilaabeen dil hadba neeftu marka ay igu dhagto way ii sugaan waxayna igu bilaabaan marka ay neeftu iga soo fuqdo meelaha sida xun ay iiga dileen ayaa ah boga caloosha kalyaha garbaha qanjiradadhagta hoosteeda ahfeeraha iyo dhuunta waxy ay ila dhaceen garan maayo Sadex nin oo aan xaqiiqsaday in ay gariga wateen madaxa ayey gur iga saaraan iyagoo markaa aan waxba ii reeban inta aan miyirka leeyahay waan ashahaadanayey marka aanan miirka lahayna waa marka at neeftu igu dhagan tahay halmar ayan neeftu iga soo go’day hadba marka aan nafis dareemo ee is dhaho aad qaylisi afka ayey ciid iiga shubayeen waxanan ka codsaday in aysan silic nafta iiga qaadin ee ay i si fiican ii dilaan xili aan qiyaasayo lixsaac iyo xogaa ayey i dhaheen intey garabha i qabteen dhaq dhaqo oo ciida iska raci bada hadana jugtii ayey ivu bilaaben markan miirsado waxay i way diinayen sadex sual waxa tahay qaran dumis sidee Jubaland u necban karta oo wax uga sheegi kartaa? Sheek dhuxusha aad duubeysay ha’ada aad u gudbisay? Jiijiile ayaa war u dirtaa ku aadan dhibka Jubaland? Iyo hadalo ay ka mid ahaayeen Mataqaan Xildhibaan Axmed Taajir yuu ahaa si xun baa u danbaysay qadar xareed iyo hadlo kale wixii intaasi ka sanbeyey anigoo bareelo ah oo anan hal xubin nuuxin karin ayaay igu soo tuureen xabsiga sidii ayaan ugu soo laabray meeshii afar saac la iga bixiyey waxa askarta xabsiga lafu amray in ay gudaha i dhigaan lkn wiil ayaa ii gar gaaray oo joodari ii dhex dhigay xabsiga halkaas oo aan ku miyir beelay ilaa maxaabiixtii ay babis iyo rusheyn iigu miciinan subixii mudi aan. U malaynayo hal sac ayan miyirsaday xiligaas ayey maxaabiistii ku wargaliyeb askarta waardiga in aan Xanuun sanahay oo hada miyir saday oo xanuun baabiye keenan waxay askartu ii kenen xanuun babiye nafis ayan dareemey waxaa ii yimid Taliyaha Danbi baarista wuxu i waydiiyey sida la ii hayo goorta la i qabatay Xanuunka i hayo noociisa waxan u sheegey boga in ay iigu daran tahay waxan damcay in aan ka qariyo dilka balse markii danbe ayan u sheegey in la i dilay wuxuu igu yiri adeer iska samir allaha kuu booga dhayo wan ka xumahay in bilaa danbi lagu dilo wana lagu siidaynayaa ee adeerow dilkada cidna hala wadaagin hal qofna ha u sheegin in lagu dilay wan ka codsanaa.

Waan ka aqbaylay wuxuu kaloo dhahay waxan rabnaa Facebookda in aad ku qorto in adan waxba qabin qadar xaredna dhibka uu wado joojiyo si fiicana laguula dhaqma wixii dawadaada ah iyo magdhowgadana si gaar ah ayaan ku siin aniga Axmed Muuse ah sidii ayan isku ogeyn waxan go’aansaday in aanan cidba la wadaagin dhibkeyga balse aan Muqdisho aado oo daawo doonto Kismayana aan isaga tago airport ka ayaa la iga soo celiyey anoo dhiban hadana xanuusan waxan go’ansaday in aan sheego wixii la ii gaystay Hal isbuc ka dib oo aan mu xanibnaa Kismayo maanta ayaa markale la damcay in la iga celiyo airportka Kismayo balse uma aysan suurta galin

Sharaf dhac ayey ku tahay Magaca Dowladnimo in loo is ticmaalo wax ka baxsan Xadka Biniaadamka. Waana mida keentay in aan soo bandhigo dhibaato kasta oo aan la aamusnaa.

Dulmane ayaan ahaa lagu dulmiyey dhulkiisa iyo magaladiisii. Sabab la’aan Maantase waxaan ahay xor wixii qarsoonaa soo gudbin doono hadii aan awal aamusnaa oo aan ceebaha qarin jiray maanta waxaan ahay shaqsi u guntaday bad baadinta hanbada shacabka dulman ee laka takooray
W/qorey Wariye Saabir Abdulkadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.